Google Oo La Saftay Dawlada Maraykanka, Xayiraadana Ku Soo Rogtay Hawaei

Washington, (HCTV) – Shirkadda wayn ee Google, Alphabet, ayaa la sheegay inay joojisay ganacsigii ay la lahayd shirkadda kale ee Shiinaha laga leeyahay ee Huawei, iyada oo ay ugu wacan tahay khasaare wayn oo u gaystay shirkadda tiknoolajiyada ee Shiinaha, taas oo dawladda Maraykanku ay ku dartay Liiska Madow ee adduunka.

Xayiraaddu waxay ku lug leedahay kala iibsiga qalabka hardware, software iyo adeegga farsamada, marka laga reebo kuwa dadwaynaha ee la heli karo iyada oo la adeegsanayo ruqsadda furan.

Si kastaba ha ahaatee, khadadka casriga ah ee Huawei oo leh barnaamijyada Google, waxay sii wadi doonaan inay isticmaalaan oo ay soo dejiyaan Barnaamijyada Google oo ah sida uu xaqiijiyey afhayeen u hadlay Google.

“Waxaan u hoggaansamaynaa amarka iyo dib-u-eegista saameynta,” ayuu yidhi afhayeenka Google.

Waxaanay dagaalka xiligan ee Huawei uu noqonayaa dagaalkii casriga ah ee u dhexeeya Maraykanka iyo Shiinaha ee dhinaca shirkaddaha Technologyada.

“Isticmaalayaasha adeegyadayada, Google Play iyo ilaalinta ammaanka ee Google Play Protection waxay sii wadi doonaan inay ku shaqeeyaan qalabka hadda jira ee Huawei,” ayuu yidhi afhayeenka, isagoo aan faahfaahin dheeraad ah bixin.

Ganaaxa ayaa laga yaabaa inuu saameeyo ganacsiga xoogan Huawei ee ka baxsan Shiinaha iyada oo shirkaddu si dhakhso ah u luminayso helitaanka xogta Google nidaamka Android. Qaybaha mustaqbalka ee casriga ee Huawei oo Android ku jira ayaa sidoo kale waayaya helitaanka adeegyada caanka ah, oo ay ku jiraan Google Play iyo barnaamijyada Gmail iyo YouTube.

“Huawei wuxuu awoodi doonaa inuu isticmaalo version-ka guud ee Android, mana awoodi doono inuu galo barnaamijyo iyo adeegyo macaamiisha ah Google,” ayuu yidhi.

Dawlada Trump ayaa Khamiistii ku daray liiska shirkadda Huawei Technologies Co Ltd, oo si deg deg ah u ansixisay xayiraado iyo xadidaado aad u adkeynaysa shirkadda inay ganacsi la sameyso dhiggeeda Mareykanka.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA