Hogaamiyeyaasha Falastiiniyiinta Oo Sheegay In Aanay Ka Tashan Shirka Nabada Ee Bahrain

Qaza, (HCTV) – Hoggaamiyeyaasha Falastiiniyiinta ayaan ka tashan wax shir ah oo ka dhacay dalka Bahrain bisha soo socota oo loogu talagalay in lagu dhiirrigeliyo maal-gashiga caalamiga ah ee dhulka la haysto ee Daanta Galbeedka iyo Marinka Gaza, sida uu sheegay Raysal Wasaaraha Falastiin Mohammad Shtayyeh.

Dawlada Washington ayaa shaacisay shirkaasi maalintii Axaddii, waxaana Madaxweyne Trump oo sharraxay Shirkaasi waxa uu sheegay in sida uu u soo bandhigay qaybta ugu horreysa ee qorshaha nabadda ee Israa’iil iyo Falastiiniyiinta ay tahay mudo dheer.

“Golaha wasiirada loogama tashanin kulanka, mana ka hadlin mawduucyada, ama natiijada iyo wakhtiga,” Shtayyed ayaa sidaasi u sheegay Warbaahinta isniintii maanta.

Mas’uuliyiinta Falastiiniyiintu ma iman doonaan shirka, Wasiirka Arrimaha Bulshada Ahmed Majdalani ayaa sidaasi sheegay.

“Ma jiri doonto ka qaybgalka Falastiin ee ka qayb-qaadashada shirka Manama,” Majdalani, oo sidoo kale xubin ka ah guddiga fulinta ururka dalladda Falastiiniyiinta ee Falastiin, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.

“Falastiin kasta oo ka qeyb qaadan lahaa waxay noqon laheyd wax iskaashi oo u dhexeeya Maraykanka iyo reer Israa’iil.”

Saraakiisha Maraykanka ayaa sheegay in shirka uu ku jiri doono wakiillada iyo madaxda ganacsiga Yurub, Bariga Dhexe iyo Aasiya, iyo sidoo kale qaar ka mid ah wasiirrada maaliyadda.

Shtayyeh wuxuu ku celiyay dalabkii ugu muhiimsanaa ee Falastiiniyiinta ee ah heshiis laba geesood ah oo lala yeeshay Israel, kuwaas oo ay ka mid yihiin in ay si buuxda u maamulaan iyagu Daanta Galbeed, Qaza iyo sidoo kale Bariga Qudus.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA