Madaxa Arimaha Dibada Iyo Amaanka Ee Midawga Yurub Oo Socdaal Ku Tagtay Muqdisho

Muqdisho, (HCTV) – Madaxa Arimaha dibada iyo siyaasada amaanka u qaabilsan Midawga Yurub Federica Mogherini ayaa socdaal ku tagtay caasimada Somalia ee Muqdisho, sida ay sheegayaan warar laga helayo socdaalka Masuulkaasi.

Waxaanay wararku intaasi ku darayaan in haweenaydan madaxda ka ah Midawga Yurub ay kulan la yeelatay masuuliyiinta Somalia iyadoo kala hadashay arimo ay ka mid yihiin dib u habaynta dhaqaalaha, taageerada Midawga Yurub iyo amaanka gobolka.

Sidoo kale waxa ay haweenaydani la kulantay Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo Raysal Wasaaraha Somalia Xasan Cali Khayre intii ay socdaalka ku joogtay magaalada Muqdisho.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA