“Safiirkii Ingiriiska Ee Somaliland Yimid, Been Baa Loo Sheegay..” WADDANI

Hargeysa (HCTV) – Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa sheegay in Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya oo dhawaa booqasho ku yimid Somaliland loo sheegay War been ah, kaasi oo ah in la dhameeyay Khilaafkii ka taagnaa Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada.

Guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee Xisbiga WADDANI, Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo Maanta Shir-jaraa’id ku qabtay Hargeysa, ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi “Safiirkii Ingiriiska ee noo yimid waxa la siiyey War been ah oo ah Dadkii diidanaa waxay naga ogolaadeen in sidii hore lagu galo, miyaad maqasheen Shir la isugu yimid oo Odayaal loo yeedhay ama Gobol Gobol loola shiray oo Saami-qaybsiga lagala shiray miyaad maqasheen?, waa war been ah, waa waxyaabaha Dadka iska horkeena.”

Mudane Jirde oo hadalkiisa sii wataa wuxuu sheegay “Ninka maqla Maanta in laga been abuurtay ee la yidhi reer Awdal baa ogolaaday, reer Hargeysa ayaa ogolaaday oo Madaxweynuhu wuxuu haystaa ogolaansho ah in doorashada sidii hore lagu galo, sow doorashaduba innaga sadhoobi mayso, Annagu waxaanu leenahay Waar Dadka Xaqiiqo ha lagu dhaqo oo beenta ha laga daayo..”ayuu yidhi.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka