Trump Oo Iran Ugu Hanjabay Inuu Aduunka Ka Tirtiri Doono Hadii Dagaal Ay Raadiso

Trump Oo Iran Ugu Hanjabay Inuu Aduunka Ka Tirtiri Doono Hadii Dagaal Ay Raadiso

Kuwii Ka Badbaaday Weerarkii Dhimashada Badnaa Ee Liibiya Oo Dalbaday In Laga Daadgureeyo
Ayaxii Ugu Darnaa 70-kii Sano Ee La Soo Dhaafay Oo Khatar Ku Haya Bariga Afrika+SAWIRO
Nooca Maaddo Ku Jirta Shidaalka Somaliland La Keeno Oo Go’aan Laga Soo Saaray
Alle Ha U Naxariistee Siyaasi Xasan Guure Jaamac Oo Hargeysa Ku Geeriyooday
Gudoomiyaha Aqalka Sare Ee Somalia Oo Sheegay In Talaabada Madaxweyne Farmaajo Qaaday Ay Halis Galin Karto Hay’addaha Dastuuriga Ah

Washington, (HCTV) – Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa hanjabaad toos ah u diray dalka Iran, kaas oo tilmaamay in hadii Tehran ay raadiso dagaal inay noqon doonto dhamaadka dalka Iran.

Hadalkan ka soo yeedhay Madaxweynaha dalka Maraykanka ayaa imanaya maalint kadib markii uu sheegay inuu wadahadal doonayo dagaalna aanu u diyaar ahayn.

Hase yeeshee Hanjabaadan cusub ee Madaxweynaha dalka Maraykanka ka soo yeedhay ayaa toos ugu wajahnayd dalka waxaanu sheegay in Jamhuuriyada Islamiga ee Iran ay burburin doonaan hadii ay weerarto danaha dalkiisu ku leeyahay mandaqada bariga dhexe.

“Hadii Iran ay doonayso dagaal, taasi waxay noqon doontaa dhamaadka rasmiga ah ee Iran. Waligii lama cabsi galin doono Maraykanka mar labaad,” ayuu Madaxweyne Trump uu ku qoray barta uu ku leeyahay Twitter-ka.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA

COMMENTS

%d bloggers like this: