Trump Oo Iran Ugu Hanjabay Inuu Aduunka Ka Tirtiri Doono Hadii Dagaal Ay Raadiso

Washington, (HCTV) – Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa hanjabaad toos ah u diray dalka Iran, kaas oo tilmaamay in hadii Tehran ay raadiso dagaal inay noqon doonto dhamaadka dalka Iran.

Hadalkan ka soo yeedhay Madaxweynaha dalka Maraykanka ayaa imanaya maalint kadib markii uu sheegay inuu wadahadal doonayo dagaalna aanu u diyaar ahayn.

Hase yeeshee Hanjabaadan cusub ee Madaxweynaha dalka Maraykanka ka soo yeedhay ayaa toos ugu wajahnayd dalka waxaanu sheegay in Jamhuuriyada Islamiga ee Iran ay burburin doonaan hadii ay weerarto danaha dalkiisu ku leeyahay mandaqada bariga dhexe.

“Hadii Iran ay doonayso dagaal, taasi waxay noqon doontaa dhamaadka rasmiga ah ee Iran. Waligii lama cabsi galin doono Maraykanka mar labaad,” ayuu Madaxweyne Trump uu ku qoray barta uu ku leeyahay Twitter-ka.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA