Weftigii Xisbiyada Kulmiye Iyo UCID Oo Baarlamaanka Kenya Kulamo La Yeeshay

Nairobi, (HCTV) – Wefti balaadhan oo ka socday labada xisbi ee Somaliland ee UCID iyo Kulmiye oo socdaal ku tagay Nairobi shalay ayaa kulamo la yeeshay masuuliyiin ka tirsan Golaha Baarlamaanka Qaranka Kenya.

Hogaamiyaha Aqlabiyada golaha Qaranka Kenya Aden Duale ayaa kulan wadajir ah ku marti qaaday labada xisbi ee ka yimid Somaliland ee (UCID iyo Kulmiye), aqalka Baarlamaanka Kenya.

Intii lagu gudo jiray kulankaasi, ayaa weftiga Somaliland iyo hogaamiyaha aqlabiyada golaha Qaranka Kenya waxa ay ka doodeen arimo dhawr ah oo la xidhiidha xidhiidhka ay wada yeeshaan Baarlamaanka Somaliland iyo Baarlamaanka Kenya, taas oo ay labada Baarlamaan ku sii wadi karaan xidhiidh wanaagsan oo laba geesood ah oo ay ka wada yeeshaan danaha labada dal.

Sidoo kale Junet Mohamed, oo ah hogaamiyaha Aqlabiyada Golaha dalka Kenya ayaa ku martiqaaday weftiga ka socda xisbiyada Somaliland xafiiskiisa.

Waxaanay weftigu ay kulankaasi ay la yeesheen Junet Mohamed ay kaga wadahadleen xidhiidhka taariikhiga ah ee labada dal iyo doorka ay mucaaridku ku leeyihiin dalalka dimuqraadiga ah iyo siday u soo bandhigaan aragtiyahooda iyo xidhiidhka wadashaqayneed ee Somaliland iyo Kenya ay leeyihiin, ayaa lagaga hadlay kulankaasi ay yeesheen masuuliyiinta xisbiyada Somaliland ka socda ee booqashada ku jooga dalka Kenya iyo Masuuliyiinta dalkaasi ee ay martida u yihiin.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA