Xuutiyiinta Oo 300 Gantaal Ku Weerarraya Sucuudiga & Imaaradka

Saudi (HCTV) – Jabhadda Xuutiyiinta ee dagaallada ka wadda dalka Yemen, ayaa qorsheeyay inay Weerarro ku qaadaan Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta, kuwaasi oo ah Dawladaha ugu tunka weyn Xulafada Duqaymaha ka wada Yemen.

Wakaalad Wararka tabisa oo Xuutiyiintu Maamulaan ayaa sheegtay in Jabhadda shiicada ah ee Xuutiyiintu ay qorsheeyeen inay illaa 300 oo Gantaal ay la beegsadaan Meelaha muhiimka ah ee Sucuudiga iyo Imaaraadka.

Meelaha Xuutiyiintu doonayaan inay beegsadaan ayaa waxa ka mid ah Talisyada Ciidammada Sucuudiga iyo Imaraaadka, si la mid ah sida Imaaraadka Iyo Sucuudigu u duqeeyaan Saldhigyada Xuutiyiinta ee Yemen, sidaa waxa sheegtay Wakaaladda Wararka ee Saba news oo HCTV uu warkan ka soo xigtay.

Warka ah in Xuutiyiintu diyaariyeen inay 300 Gantaal ku weerarraan Sucuudiga iyo Imaaraadka ayaa soo baxay Maanta, ka dib markii Isniinta Maanta qalabka hubka ka hor-tagaa ee Sucuudigu uu burburiyey Gantaalo Xuutiyiintu ku soo tuureen Magaalada Tarif iyo Jeddah.

Duqaymahan hadda ku bilaabmay Sucuudiga iyo Imaaraadka, ayaa waxa ka sii horreeyay diyaarado kuwa aan duuliyaha lahayn ah oo weerarray goobaha Shidaal soo saarka ee Sucuudiga iyo Laba Markab oo shidaal ah oo marayey Xeebta Imaaraadka, kuwaasi oo Sucuudigu lahaa.

Xuutiyiinta oo la tuhunsan yahay inay Taageero dhanka saanadda Ciidanka ah ka helaan IRAN ayaa tallaabooyinka ay hadda wadaan waxay u muuqdaan inay kaga aar-gudanayaan Duqaynaha Sucuudiga iyo Xulafadiisa Imaaraadku ka mid yahay ka wadaan Dalka Yemen, sida uu ka warramay The National oo HCTV uu warkan ka soo xigtay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka