Ururada Aan Dawliga Ahayn Ee Somalia Oo Ka Digay Cuno Yaraan

Muqdisho, (HCTV) – Ugu yaraan 1.7 malyan oo qof oo Soomaali ah ayaa wajahaya cunto yaraan ba’an kadib markii dib u dhac ku yimid roobabkii di’i jiray, hay’adaha gargaarka bani’aadamnimada ayaa ka digay, waxaanay ku baaqeen gargaar bani’aadamnimo oo degdeg ah oo lala soo gaadho si loo badbaadiyo nolosha boqollaal kun oo qoys oo halis ku jira.

Hay’adaha Somalia iyo kuwa caalamiga ah ee ka shaqeeya Somalia oo hoos yimaada dalladda ururada aan dawliga ahayn ee Somalia, ayaa sheegay in helitaanka biyo iyo kororka cunno la’aantu ay sii kordhayso, isla markaana ay halis galinayso nolosha malaayiin Soomaali ah. Waxaanay ku baaqeen in si deg deg ah loola socdo waxqabadka bani’aadamnimada ee dalka.

“Tirada dadka ay haysato cunto yari ba’an ayaa sii kordhaysa, laakiin wali ma aragno ballanqaadyo adag iyo dadaallo isku mid ah oo lagu badbaadinayo dadka. Tani waa arrin aad u macquulsan, “ayay tidhi Nasra Ismaaciil, oo ah Agaasimaha Guud ee hay’adda NGO-yada Soomaliya. “Waa in aan xoojinnaa dedaalkeena, korna u qaadnaa khayraadka ka jawaab celinta baahida qoysaska waxaana yareynaya dhibaatada aadanaha,” ayay intaasi sii raacisay.

Digniinta ayaa jawaab u ah sii deynta Waaxda Falanqaynta Sugnaanta Cuntada iyo Nafaqada (FSNAU) iyo Warbixinta FEWS NET ee la soo saaray Bishii April, 2019 kaas oo ka digay xaaladda sugnaanta cuntada ee dalka Somalia ka jirta. Warbixinta ayaa xaqiijisay in ugu yaraan 1,7 milyan oo qof ay hadda ku jiraan xaalad Ba’an, Waaana inta u dhexeysa bilaha April iyo June 2019 – boqolkiiba 10 korodhka qiyaasaha billowga ah ee la sameeyey February ilaa June 2019. Tirada guud ee dadka aan haysan cunto ku filan ayaa sidoo kale kor u kacay 4.6 ilaa 4.9 milyan oo qof kuwaas oo ugu yaraan 40% dadka guud.

“Qoysaska intooda badan ayaan wali ka soo kaban abaarihii hore iyo roobab aad u hooseeya xilligan waxaan u muuqan doonaa inaan aragno nugaylka sii kordhaya ee khatarta badan ee soo cusboonaaday oo aanan hore u arag. Haddii aan helin jawaab deg deg ah, saameynta abaartan waxay noqon doontaa mid daran, “ayay tidhi Nasrai Ismail.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA