Wasiirro Puntland Ah Oo Difaacay Kornayl Tuke

Hargeysa (HCTV) – Wasiirro ka mid ah Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayaa ka hadlay Dacwad loo haysto Kormayl Yuusuf Cabdi Cali (Tuke).

Kornayl Yuusuf Cabdi Cali (Tuke) oo ahaa Taliyihii Ciidammadii  Soomaaliya ee Fadhigoodu ahaa Magaalada Gabiley sanadihii siddeetamaadkii ayaa loo haystaa inuu Xasuuq ka geystay halkaasi, waxaana Dacwad Maraykanka kaga oogay Dad reer Somaliland ah.

Laakiin, Wasiirka Deegaanka iyo Beeraha Puntland, Ismaaciil Diiriye iyo Wasiirka Warfaafinta, Cali Xasan Sabarey Puntland oo Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Garoowe  ayaa Dacwadda loo haysto Kornayl Tuke ku sheegay mid been abuur ah oo aanu wax dhibaato ah Cidna u geysanin.

Wasiirka Deegaanka iyo Beeraha Puntland, Ismaaciil Diiriye oo ugu horrayn halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Maxkamadda Tuke kaga socota Maraykanka, waxa abuuray dad la abaabulay, Abaabulkaas oo muddo socday. Markaa haddii Soomaaliya Qof aan dambi gelin loo abaabulo dambi iyadoo kuwii dambiga galay la hayo, haddana waxba la odhanin, waa nasiib-darro..”

Wasiirka Warfaafinta, Cali Xasan Sabarey ayaa isaguna sheegay “Yuusuf Cabdi Cali (Tuke) waa dhibbane, been baa loo abaabulay oo lagu shirqoolay, waa lagu been abuurtay, dad aanu waxba u geysan ayaa arrimahan u buunbuuniyey, arrimahaana kumuu kicin..”ayuu yidhi.

Madax-dhaqameed Iyo Xubno kale oo siyaasiyiin oo iyaguna arrintan ka hadlay ayaa iyaguna Dacwaddaasi ka soo horjeedsaday.

Telefiishannada CBC oo Kanada laga leeyahay iyo CNN ayaa hore baadhis ugu sameeyay Kiiska loo haysto Kornayl Tuke oo hadda Taksi kaga shaqaysta Maraykanka.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka