Weftigii Somaliland Ee Socdaalka Ku Joogay Kenya Oo Kulamo La Yeeshay Qaadhaan Bixiyeyaasha

Nairobi, (HCTV) – Wefti balaadhan oo ka socday labada xisbi ee Somaliland ee UCID iyo Kulmiye oo ay hogaaminayeen Maxamed Kaahin Axmed iyo xisbiga UCID oo uu hogaaminayey Faysal Cali Waraabe ayaa kulan la yeeshay dhinacyada qaadhaan bixiyeyaasha ee Midawga Yurub ee ku sugan Nairobi.

Waxaanay masuuliyiinta weftiga reer Somaliland ee kulankan ka qaybalay ay warbixin ka siiyeen safiirada dalalka Denmark, Sweden, Germany, UK iyo kuwo kale oo Somaliland saaxiib la ahba sida Somaliland ay uga go’antahay inay sii wado horumarinta , maamulida iyo diyaarinta doorashooyin dhaca Somaliland oo ku qabsooma wakhtigii loogu talo galay.

Sida uu sheegay Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Kenya Amb Baashe Cawil Xaaji Cumar, kaas oo tilmaamay in Somaliland ay mar kale ku celinayaan in shacabku ay u qalmaan doorasho si wanaagsan u diyaarsan oo gacan ka geysan karta in degenaansha iyo barwaaqada dalku ay sii waarto.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA