Xuutiyiinta Oo Weerarray Makkah, Daa’if Iyo Najran Oo Sucuudiga Ah

Najran (HCTV) – Jabhadda reer Yemen ee Xuutiyiinta ayaa Weerarray Magaalada Koonfurta Sucuudiga ku taalla ee Najran.

Xuutiyiinta ayaa Weerarkan u adeegsaday Diyaarad oo Drones ah oo xambaarsan Bam, sida uu ku warramay Wargeyska The National oo Telefiishanka HCTV uu Warkan ka soo xigtay.

Telefiishanka Al Masirah TV network oo ku hadla Afka kooxda Xuutiyiinta ayaa xaqiijiyey in Xuutiyiintu weerarreen Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Najran,

Qoraal lagu baahiyey Wakaaladda Wararka ee Sucuudiga ayaa Afhayeen Magaciisu yahay Col Turki Al Maliki oo Dawladda u hadlay uu ku sheegay in Xuutiyiintu ay beegsanayaan goobaha Shacabku ku sugan yahay, iyagoon kala soocaynin.

Lama sheegin wax khasaare ah oo weerarkaasi geystay, balse Weerarkan ayaa noqonaya kii saddexaad ee 24 Saacadood gudahood ay Xuutiyiintu ku qaadaan Dalka Sucuudiga.

Sidoo kale, Warbaahinta Sucuudiga ayaa sheegtay in shalay laba Gantaal ay xuutiyiintu la beegsadeen Magaalooyinka Makkah iyo Daaif, laakiin Ciidammada Difaaca Cirka ayaa hawada ku burburiyey labada Gantaal.

Weerarkan Xuutiyiintu ku qaadeen Makkah iyo Daa’if ayaa waxa Cambaareeyay Dawladda Caalamku aqoonsan yahay ee Yemen.

Magaalada Najran ee Weerarka lala beegsaday ayaa Koonfur-galbeed ka xigtay Magaalada Riyaad 840KM, waxayna kulaalaysaa Xuduudka Yemen.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka