Dawladda Soomaaliya Oo Si Taxader Leh Uga Jawaabtay Ficilladii U Dambeeyay Ee Kenya (Akhri)

Muqdisho (HCTV) – Wasaaradda Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, ayaa soo saartay qoraal kaga jawaabay Tallaabo ay Dawladda Kenya ay Dal ku galkeeda ugu diiday Wasiirro iyo Xildhibaano ka mid ah Dawladda Soomaaliya.

War-saxaafadeed ay Wasaaraddda Arrimaha dibedda Soomaaliya soo saartay Maanta oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Telefiishanka HCTV , ayaa Wasaaraddu ku sheegtay inay ka xun tahay go’aankii ay Kenya Dal ku galkeeda ugu diiday Madaxda Soomaalida ah “Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyada oo qaddarinaysa Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Kenya waxay aad uga walaacsan tahay go’aankii ay dhawaan qaadatay Dowladda Kenya ee lagu xadaynayey dal ku galka xubnaha xukuumadda iyo Baarlamaanka Soomaaliya.” ayay Wasaaraddu qoraalkeeda ku sheegtay, waxayna intaa ku dartay in Masuuliyiinta Dawladda Soomaaliya ka midka ah lagu xidhay garoonka diyaaraha Nairobi “Khaas ahaan Dawladda Soomaaliya waxay ka wer-wersan tahay in xubno ka mid ah Dawladda Federaalka Soomaaliya oo u safray Nairobi, kuwaasi oo ku jiraan Xubno Baarlamaani ah iyo Wasiirro inay xidheen Madaxda Laanta socdaalka ee Kenya, inta laga qaaday Baasaaboorradoodii, laguna khasbay inay dib ugu laabtaan Muqdisho.”

Wasaaraddu waxa kale oo ay qoraalka ku sheegtay inay ka xun tahay go’aan Dawladda Kenya soo saartay, kaasi oo ah Diyaaradaha ka taga Soomaaliya ee Kenya ku socda lagu baadho garoonka Wajeer “Dawladda Soomaaliya waxay la socodsiinaysaa inay ka xun tahay oo ay ka wer-wersan tahay sababta Rakaabka Soomaalida ah ee diyaaradaha loogu hubinayo Wajeer, kaasi oo aan ku jirin heshiiskii labadeena dawladeed wada gaadheen ee tixgelinayey in Duulimaadyadu ahaadaan Muqdisho iyo Nairobi.”

Wasaaraddu waxay sheegtay in ficilladani jabinayaan xidhiidhka labada Dawladood “Ficilladani waxay jabinayaan sii jiritaanka Jaarnimo ee Kenya iyo Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee Dawladda Soomaaliya waxay ugu baaqaysaa Dawladda Kenya inay ka fikirto in aanay ficilladeedu wax u dhimin sii jiritaanka xidhiidhka Labadeena Dawladood..” ayaa lagu sheegay qoraalkaasi.

Wasaaradda Arrimaha dibedda Soomaaliya waxay muujisay dul-qaad, waxayna tilmaantay in inkasta oo Madaxda dalkeeda loo diiday Kenya ay iyadu soo dhaweyn doonto Madaxda Kenya “Dawladda Soomaaliya way u darban tahay inay sii joogtayso Saaxiibtinimada iyo xidhiidhka ka dhexeeya Kenya, waxayna sii wadaysaa inay Soomaaliya ku soo dhawayso Muwaadiniinta iyo Madaxda Kenya..” ayaa lagu sheegay War-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibedda Dawladda Federaalka Soomaaliya.

 

Horn Cable Tv 

Waaxda ONLINE-ka