Sucuudiga Oo Dil U Qorsheeyay 3 Caalim Oo Argagixisonimo Lagu Eedeeyay

 

Riyadh (HCTV) – Saddex ka mid ah Aqoonyahannada Diinta Islaamka ee Dalka Sucuudiga ayaa la sheegay in lagu xukumayo Dil.

Saddexdan Wadaad oo gudaha Sucuudiga muhiim ka ah ayaa lagu eedeeyay ‘Argagixiso-nimo’ sida lagu sheegay War-bixin ay soo xigatay Al-jazeera.

Sida ay xaqiijiyeen laba il-wareed oo dhanka Dawladda ragga la eedeeyay ayaa Magacyadoodu kala yihiin Sheekh Salman al-Awdah, Awad al-Qarni and Ali al-Omari, waxaanu warku sheegay in la xukumayo bisha barakaysan ee Ramadaan ka dib isla-markaana la fulinayo xukunkaasi.

Masuliyiinta boqortooyada Sucuudiga ayaan illaa hadda wax War ah ka soo saarin xukunka la sheegay in lagu ridayo Saddexda Wadaad.

Ilo-wareedyo kale oo Dawladeed ayaa sheegaya in Sucuudigu uu 37 Qof uu dil ku fuliyey, isagoo tijaabinaya in bal Beesha Caalamku cambaarayso iyo in kale.

Ururrada xuquuq iisaanka iyo Muwaadiniin Sucuudiyaan ah oo Dalka dibeddiisa jooga ayaa xukunka la muddeeyay saddexda Caalim cambaareeyay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka