Wasiirkii Hore Ee Arrimaha Dibedda Soomaaliya Oo Ku Dhintay Qarax Muqdisho Ka Dhacay

Muqdisho (HCTV) – Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya Qarax Maanta gelinkii hore ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Dadka ku dhintay uu ku jiro Xuseen Ceelaabe Faahiye oo Soomaaliya ka soo qabtay Xilalka Wasiirka Arrimaha dibedda iyo Wasiirka Daryeelka Naafaa iyo Agoonta.

Sidaana waxa xaqiijiyey Raysal-wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo dhambaal Tacsi u diray Ehelada iyo Shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuumkaasi.

Raysal-wasaaraha Soomaaliya ayaa dhambaalkiisa Tacsida ku sheegay sheegay “Waxaan tacsi u dirayaa ummadda Soomaaliyeed iyo ehelkii uu ka baxay Wasiir hore Xuseen Ceelaabe Faahiye oo maanta innaga shahiiday. Waxa uu muddo dheer u soo adeegay dalka iyo dadka. Waxaan Alle uga baryayaa inuu naxaiistiisa Janno ka waraabiyo” ayuu yidhi, Raysal-wasaaraha Soomaaliya.

Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa Tacsi taasi la mid ah u diray Ehelka iyo Shacabka uu ka baxay Marxuum Faahiye oo ka mid ahaa Dadkii ku dhintay Qaraxa Maanta ka dhacay Duleedka Xabsiga Godka Jillacow ee Magaalada Muqdisho.

Marxuum Xuseen Ceelaabe Faahiye ayaa soo qabtay xilalka Wasiirnimo ee Wasaaradaha Arrimaha Dibadda, Xanaanada Xoolaha, Daryeelka Naafada iyo Agoonta iyo kuwa kale.

Marxuumka ayaa ka soo jeeday Gobolka Awdal ee Somaliland.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka