Dadka iyo Soonka

Assalaamu Calaykum, Ramadaan Wacan Walaalayaal,

Ilaahay markuu inagu waajibiyey acmaasha kala duwan, dadku way ku  qaybsamaan qofkastaana boos ayuu astaystaa.

Ilaahay SWT wuxuu yidhi”Addoomahayga waxaa ka mid ah mid naftiisa dulmiyey,mid iska dhexdhexaada iyo mid markasta khayrka u dheereeya”.

Acmaashana sidaas oo kale loogu qaybsamay,qof naftiisa dulmiyey oo amarkii ilaahay qaadan waayey,mid wax isku dhex wada iyo mid markasta khayrka u degdega higsadana halka sare. Bishan khayrka qabtaa markay soo gasho dadku way kala qaybsamaan,sida dadku u kala qaybsamaan hawl kastoo la qabanaayo. 

Waxaa la yidhi”Ramadaantu waxay qiyaas dhaba u tahay akhlaaqda qofka muslimka ah,hadday ramadaan soo gashona qofkasta xaqiiqdiisa ayaa soo baxda”.

Qofku inuu hawsha qabanaayo waxaa lagu gartaa intayna hawshu gondihiisa iman ayuu kasii tabaabushoodaa,

Qoladii munaafiqiinta ahaa ee ka hadhay dagaalkii Tabuuk iyagoo cudurdaaranaayaa,markuu Ilaahay ka waramaayey wuxuu yidhi”hadday dooni laahaayeen inay baxaan way u diyaar garoobi lahaayeen”.Hawsha kugu soo socota inaad qabanayso saansaakaaga laga dheehdaa.

 Hadaba dadku imisay u qaybsamaan bisha ramadaan?
Dadku waxay u qaybsamaan ramadaanta ilaa sadex qaybood guud ahaan. 

  1. Qof ramadaanta soo galitaankeeda ku farxay una diyaar garoobey,qofkaasi waa qof naftiisa u sii sheegay inay soo galayso bishii khayrsanayd,intaas kumuu dhaafine wuxuu go’aansaday in uu Ilaahay si dhaba ah ugu soo laabto bishana khayr ku camirto.

Qofkasi wuxuu sii astaystay halkuu ku tukanaayo”Taraawiihda iyo Tahajudka”.

Waa qof guntiga adkaystay,khayrkana u heelan inuu ka faa’idaysto.In sha Allah qofkaasi waa mid muddan in lagu daydo laguna bogaadiyo dadaalkuu muujiyey.

  1. Waa qof ilaahay iyo aadamaha ka xishooday oo is yidhi yaan lagula yaabin,ma waqti la soomanyahay ayaad wax Calafsan waar iska soon oo dadkaaga dhinac ka raac,qofkaasi waa mid bilaa go’aan ah allena isagaa og siduu u xisaabin. 

    C. Waa qof aanay kaba qasnayn oo in ay ramadaan ku waajib tahay iyo inkaleba aan ogayn.

Wuxuu ku talagalay waqtigan xurmada leh in uu isna ilaahay caasiyo,oo waxaad arkaysaa isagoo “sigaarka,qaadka iyo cuntadaba sii aan yaraysi lahayn u ruugaaya”.
Qofka sidaas samaynaaya haddaad warsato wuxuu ku odhan muslimbaan ahay.

Shidaanaaba shidan ee sida adduunkan loogu kala tegay ayaa aakhirona lookala tegayaa,qolo jannada u dareerta iyo qolo naarta lagu uruuriyo. Intaasi waa guud mar ku saabsan intay addoomaha ilaahay u qaybsamaan ramadaanta.

Bal aan yara eegno dadka soomani imisay u qaybsamaan soonka dhexdiisa?

  1. Cadhaysane,

qof sooman ayaad arkaysaa oo fartu gaadhayso,xaladaasna wuxuu ku jirayaa ilaa inta cuntada laga gaadhaayo,dhibkiisuba waa inta la afxidhanyahay.

  1. faraxsane,

waa qof aad ufurfuran,sadaqada bixinayaa salaanta kugu boobaya,markasta xaalad wanaagsan oo farxadleh ayuu ku suganyahay waxaanad ka dheehanaysaa wajigiisa siduu ugu faraxsanyahay bisha ramadaan.

  1. Hurdoole,

waa qof waqtigiisii oodhan hurdo ku camiray marka afurka la joogo ayuu soo kacayaa,misuu cuntada bilaabayaa isagoon faraxalan.Qofkaasi ma oga xili la tukaday iyo xil la maraayoba.

  1. Caajisle,

waa qof markasta caajis ah,oo fartii la taagoba wuxuu odhanayaa inagga daayaa qaban karin maynee waa ramadaan ee.

5. Cuntoole,

waa qof aad muhiimad wayn u siiya cuntada,baddanaa wuxuu la saxiibyahay qolada kijada(kusheenka), Wixiisu waxaa weeyaan maxaa la kariyey iyo maanta weynu gaajoonee cuntadda badiya.

Ilaahay waxaan kabaryayaa inuu innaga yeelo kuw amarkiisa qaata markastana khayrka dadka uga dheereeya.

Cabdinaasir Xasan Macallin

Zudaizi2020@gmail.com

+252634136953

+252659923677