Isku Dhacyo Jakarta Ku Dhexmaraya Bileys Iyo Dibadbaxayaal Natiijada Doorashada Diidan

Jakarta, (HCTV) – Dibadbaxyo lagaga soo horjeedo natiijada doorashadii Madaxweynenimada ee ka dhacday dalka Indonesia bil ka hor ayaa ka socda habeelkii labaad dalkaasi, waxaana dadka mudaharaadayaa ay ka soo horjeedaan dib u doorashada Madaxweyne Jako Widodo.

Isku dhacyadan ciidamada amaanka iyo jamaahiirta mudaharaadyada  ayaa keentay in labada dhinac ay isku adeegsadaan Dhagaxaan, Quraarado Ololaya oo shacabku ay Bileyska ku tuurayaan, halka ciidamada Bileyskuna ay dadkaasi u isticmaaleen suntan dadka ka ilmaysiisa ee loo yaqaano ‘tear gas’, rasaas cinjir ah iyo dhuumaha biyaha xooga badan tuura.

Waxaana la arkayey kooxaha gurmadka degdega ah oo dadweynaha dad waxyeelo ka soo gaadhay dibadbaxa oo ay u isticmaalayaan naqaska oxygen-ka si ay xaaladooda ula tacaalaan.

Dawlada dalkaasi Indonesia waxay ku cambaaraysay rabshadahaasi kooxaha mucaaridku inay lacag ku bixinayaan rabshado dalka ka sii socda, ilaa iyo hadana waxa ay wararku sheegayaan in la xidhay 257 qof, kalka khasaaraha dhimashaduna uu marayo lix qof, tiro ka badan 350 kalena ay dhaawacyo qabaan.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA