Weftigii Xisbiyada Somaliland Ee Socdaalka Ku Joogay Kenya Oo Kulan La Yeeshay Raila Odinga

Nairobi, (HCTV) – Weftigii labada xisbi Kulmiye iyo UCID ee socdaalka ku joogay dalka Kenya ayaa kulan la yeeshay Siyaasiga caanka ah ee Raila Odinga oo hore Raysal Wasaare uga soo noqday dalka Kenya.

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed ahna Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland, Gudoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Wakiilka Somaliland ee dalka Kenya Amb. Baashe Cawil ayaa kulanka kula yeeshay Xafiiska Raila Odinga ee ku yaala Capital Hill Square ee magaalada Nairobi.

Labada dhinac ayaa intii kulankaasi socday waxa ay ka wadahadleen sidii loo horumarin lahaa xidhiidhka labada dale e Somaliland iyo Kenya, gaar ahaana dhinacyada Baayacmushtarka iyo isku socodka labada bulsho ee dalalka Kenya iyo Somaliland.

Weftigan xisbiyada Somaliland ayaa mudooyinkii u dambeeyey ku sugnaa dalka Kenya, waxaanay mudadii ay joogaan magaalada Nairobi ay la kulmeen dhinacyo farabadan oo ku sugan dalka Kenya oo ay ka mid yihiin xubno ka tirsan Baalamaanka dalka Kenya, Safiirada Beesha Caalamka ee Somaliland ka taageera doorashooyinka iyo dimuqraadiyada.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA