Somaliland Oo Hambalyeysay Raysal-wasaaraha Hindiya Oo Mar Kale La Doortay

Hargeysa (HCTV) – Dawladda Somaliland ayaa ka hadashay doorasho dib loogu soo doortay Raysal-wasaaraha dalkaasi, Mr. Narendra modi.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa Hambalyo u diray Raysal-wasaaraha Hindiya Narendra modi, kaasi oo mar kale loo doortay inuu hoggaamiyo Hindiya, ka dib markii Xisbigiisu uu kuraasta ugu badan ka helay Baarlamaanka.

Saylici oo qoraal ku baahiyey Bogga uu ku leeyahay Twitter-ka, ayaa sheegay in isagoo ku hadlaya Magaca Somaliland uu ku hambalyeynayo xilka mar labaad loo doortay.

Madaxweyne ku-xigeenku wuxuu sheegay in Hindiya iyo Somaliland leeyihiin xidhiidh dhanka Ganacsiga, kaasi oo gaadhaya hal Milyan oo dollar.

 

Horn Cabkle Tv

Waaxda ONLINE-ka