Yaa U Ordaya Inuu Bedelo Theresa May?

London, (HCTV) – Waxa dalka UK ka bilaabmay durtaba olole loogu jiro cida badalaysa Raysal Wasaaraha dalka Ingiriiska Theresa May oo maaintii shalay iska casishay xilka Raysal Wasaaraha dalka Britain iyo xisbiga talada dalkaasi haya  ee Consevative-ka.

Waxaana durtaba soo baxaya shakhsiyaad iyo xubno ku dhawaaqay todobaad ka hor ay Rasal Wasaaruhu ay shaqada uga tagayso xaalado kala soo gudboonaaday ka bixintaanka Britain ee Midawga Yurub.

Waxaana suuragal ah in Baarlamaanka Britain uu marar kale oo badan uu u codeeyo “heshiis la’aan in lagaga baxo Midawga Yurub”, balse arintu waxa ay taagan tahay waxa dhici doona October 31-keeda. Markaas oo la filayo in Midawga Yurub ay go’aansadaan in ay lix bilood ugu daraan Qodobka Article 50 bisha March, waxaanu gudoomiyaha golaha Midawga Yurub ninka la yidhaa Donald Tusk uu siyaasiyiinta Britain uu u sheegay “fadlan ha dayacina wakhtigan”.

Inkastoo shan bilood ay ka xigaan kama dambaysta wakhtiga loo qabtay ka bixintaanka Ingiriiska ee Midawga Yurub, waxaana xisbiga hogaamiyaha Britain ee Conservative Party uu qabanayaa doorashada hogaamiyaha. Waxaana suurtagal ah in hogaamiyayaal cusub ay shaqadooda ugu horaysaa ay ku waydiistaan midawga Yurub mudo kordhin kale oo loo sameeyo Article 50.

Waxaana ka mid ah xubnaha uu hungurigu ka hayo Boris Johnson, Dominic Raab, Michael Gove, Andrea Leadsom, Jeremy Hunt, Sajid Javid, Penny Mordaunt, Esther McVey iyo Tobias Ellwood.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA