Dawladda Ciraaq Oo Diidday In Maraykanku Dalkeeda Kaga Duulo IRAN

Baqdaad (HCTV) – Dawladda Ciraaq ayaa Xiisadda ka dhex taagan Dalalka Maraykanka iyo IRAN ka istaagtay mowqif Cad.

Wasiirka Arrimaha dibedda ee Ciraaq Mohamed Ali Alhakim ayaa sheegay inay Ciraaq diidday inay Maraykanka ugu hoggaansanto Arrimaha ka dhacaya Gobolka, laakiin taa beddelkeeda ka shaqaynayso sidii ay u dhexdhexaadin lahayd labada dhinac, waa IRAN iyo Maraykanka’e, wallow ay muujisay inay inay barbar taagan tahay dalka ay deriska yihiin ee IRAN.

Afhayeen u hadlay Wasiirka Difaaca ee Ciraaq oo Magaciisu yahay Major General Tahseen al-Khafaji in aanay cidna ka ogolaanayn in Ciidda Ciraaq lagaga duulo Dal ay jaar yihiin “Ciraaq ma doonayso in Ciiddeeda lagaga duulo jaararkayaga..” ayuu yidhi, Afhayeenka u hadlay Wasiirka Difaaca Ciraaq, kaasi oo u warramay Telefiishanka Press oo fadhigiisu yahay Tehran, waxaanu intaa ku daray “Cidna u ogolaan mayno in gudaha Ciraaq lagaga shaqeeyo wax lid ah Jaararkayaga..”

Xiisadda Maraykanka iyo IRAN ayaa heer-sare gaadhay toddobaadyadii u dambeeyay, ka dib markii Washington ay bariga dhexe geystay diyaaradaha wax burburiya, ugu yaraan 7 Maraakiibta dagaalka, kuwaasi oo uu ku jiro Markabka caanka ah ee Xambaara diyaaradaha dagaalka ee loo yaqaana USS Abraham Lincoln.

Xiisadda u dhaxaysa labada dal ayaa bilaabantay markii Maraykanku ka baxay heshiiskii Nukliyeerka ee Dawladaha Adduunka ugu quwadda weyni la galeen IRAN isla-markaana dib ugu soo celiyey Cunaqabayntii saarnayd.

IRAN ayaa iyaduna 8 bishan May ku dhawaaqday in aanay ku soo jirayn heshiiskii Nukliyeerka, maaddaama oo Dawladaha reer Yurub iyo Ruushku waxba ka qaban waayeen cunaqabataynta Maraykanku ku soo rogay IRAN, ka ka dib markii Madaxweyne Trump uu heshiiska ka baxay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka