Dhulgariir Cabirkiisa Lagu Qiyaasay 8.0 Magnitude Oo Ku Dhuftay Peru

Lima, (HCTV) – Dhulgariir xoogleh oo cabirkiisa lagu qiyaasay 8.0 magnitude ayaa ku dhuftay badhtamaha waqooyiga dalka Peru maanta oo Axad ah.

Dhulgariirkan ayaa ka dhacay magaalada Lagunas 158km waqooyi-galbeed kaga beegan magaalada weyn ee Yurimaguas.

Ma jiro ilaa iyo hadda warbixino degdeg ah oo ka soo baxaya khasaaraha uu sababay dhulgariirkaasi baaxada leh.

Hase yeeshee dhulgariirkan ayaa wadooyin iyo buundooyin farabadan burburiyey, ilaa iyo hadana ma jiraan khasaare dhimasho ama dhaawac ah oo ka soo baxay dhulgariirkaasi gilgilay dalka Peru.

Dawladda  dalka Peru-na waxa ay sheegay in dhulkagiirkii ugu dambeeyey ee ay diiwaangalisay uu ahaa7.2 Magnitude oo ah cabirka dhulgariirka balse han hada ku dhuftay dalkeedu uu aad uga baaxad weyn yahay oo uu gaadhayo 8.0 Magnitude.

Magaalada Lima dadku waxa ay ka carareen guryahooda iyagoo ka cabsi qaba inuu dhulgariirku waxyeeleeyo.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA