Shirkada Facebook Oo Sheegtay Inay Meesha Ka Saartay 2.2 billion Oo Ciwaano Been Abuur Ah

New York, (HCTV) – Shirkadda Facebook ayaa sheegtay inay meesha ka saartay 2.2 billion oo ciwaano been abuur ah ilaa bishii January iyo March, waxaanay arintani noqonaysaa talaabadii ugu balaadhnayd ee ay shirkadu ku dhaqaaqo ee ay ciwaano intaa leeg meesha kaga saartay.

Tiradana waxay noqonaysaa mid inyar uun ka yar tirada 2.38 billion ee sida bilaha ah u isticmaala barta Facebook aduunka oo dhan marka la barbar dhigo tirada 1.2 billion oo ciwaano been abuur ah oo ay shirkaddu joojisay rubucii hore oo ahaa 694 million intii u dhaxaysay bishii October iyo December ee sanadkii 2017-kii.

Tiradan cusub ayaa maalintii Khamiistii lagu baahiyey warbixinta sadexaad ee Guddiga Fulinta ee Jaangoynta hawlaha shirkadda. Waxaana lagu sheegay in shirkadda Facebook ay bilaabi doonto inay sii dayso warbixintan si sanadka soo socda.

“Badqabka wada hadalku waa mid muhiim u ah warbixin kasta oo maaliyadeed oo aanu sameyno, sidaasi darteed waa inaan sida ugu dhaqsaha badan u sameynaa,” Agaasime Mark Zuckerberg ayaa sidaasi ku sheegay wareysi ay la yeesheen suxufiyiinti maalintii khamiistii. “Garawsashada baahinta waxyeellada leh waxay ka caawineysaa shirkadaha iyo dawladaha inay abuuraan nidaamyo wanaagsan oo wax lagaga qabanayo, waxaan aaminsanahay in adeeg kasta oo internetka ee muhiimka ahi ay tahay tan.”

Shirkaddu waxay sidoo kale sheegtay in qoraal kale oo ay u gudbiyaan Alex Schultz uu sharxay sababaha keena in qaar ka mid ah ciwaanada been abuurka ahi ay kordhaan. Kaas oo ku tilmaamay in ay keento arimo ay ka mid yihiin weeraro sahlan oo ka dhaca dhinaca Facebook-ga.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA