Pakistan Oo Ka Digtay Khatarta Xiisadda IRAN Iyo Maraykanku U Horseedi Karto Gobolka

Islamabad (HCTV) – Raysal-wasaaraha Dalka Pakistan Imran Khan ayaa ka digay khatarta ay Gobolka u horseedi karto xiisadda Maraykanka iyo IRAN.

 

Raysal-wasaaraha ayaa hadalka ka sheegay Magaalada Islamabad oo uu booqanayo Wasiirka Arrimaha dibedda ee IRAN Javad Zarif, xilli xiisadda ka dhaxaysa Dalkiisa iyo Maraykanku ay kor u sii kacayso, sida ay ku soo warrantay Wakaaladda Wararka ee Reuters oo HCTV soo xigtay.

 

khatarta IRAN iyo Maraykanka ayaa kor u sii kacaysa, arrintaana waxa sii huriyey Weerarkii Bishan gudaheeda lagu qaaday Maraakiibtii Shidaalka ee Sucuudiga ee lagu weerarray Khaliijka, weerarkaasi oo Maraykanku ku eedeeyay IRAN.

 

Raysal-wasaaraha Pakistan oo doonaya inuu wanaajiyo xidhiidhka aan fadhiyin ee dalkiisa iyo IRAN ayaa sheegay inuu ka wer-wersan yahay ‘Xiisadda kor u sii kacaysa ee Khaliijka’, laakiin cidda xiisadda sii hurinaysa carrabka kuma dhufan, ha noqoto Sucuudiga iyo Maraykanka’e.

 

War ka soo baxay Xafiiska Imran Khan ayaa lagu sheegay in Raysal-wasaaruhu uu hoos ka xariiqay “in dagaalku aanu xal ahayn mushkiladna..”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka