Raysal-wasaare Modi Oo Jeediyey Khudbaddiisii U Horraysey, Markii Dib Loo Soo Doortay

India (HCTV) – Raysal-wasaaraha Dalka Hindiya Narendra Modi oo markii labaad noqday Raysal-wasaaraha dalkaasi, ayaa Sabtidii jeediyey hadalkiisii u horreeyay.

Narendra Modi wuxuu sheegay in Xukuumaddiisu qaadayso Tallaabooyin cusub oo ay ku dhisayaan Hindiya Cusub iyo Awood cusub’, waxaanu Xildhibaannada Baarlamaanka dalkiisa uga soo baxay xisbiga NDA waydiistay inay u shaqeeyaan si dhexdhexaadnimo ah, taasi oo ay aasaas u tahay daacadnimo iyo inay adeegayaal Shacab yihiin.

75 Daqiiqo oo uu hadlayey Hoggaamiyaha Xisbiga Bharatiya Janata Party-led National Democratic Alliance (NDA), Mr. Modi intii uu khudbaddiisa jeedinayey wuxuu soo hadal-qaaday isla-markaana uu wer-wer ka muujiyey sida looga guulaysan karo baahida Dadka laga tirada badan yahay ee Hindiya “Waxaanu u taaganahay kuwa na rumaysta..” ayuu yidhi, Raysal-wasaaruhu.

Dhinaca kale, Raysal-wasaare Modi wuxuu Xildhibaannada kala hadlay arrimo badan, sidan in aanay Saxaafadda si furan War u siinin.

Modi wuxuu Xisbigiisa NDA ka codsaday inuu ka shaqeeyo midnimada Dalka Hindiya iyo Horumarkiisa “Ujeeddooyinka Qaranka iyo Hiigsiga Gobolka..” ayuu yidhi.

Xisbiga NDA ayaa Baarlamaanka Hindiya ku leh 353 Kursi.

 

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka