Dad Ku Dhintay Qaraxyo ka Dhacay Caasimadda Nepal

Nepal (HCTV) – Inta la xaqiijiyey, Afar Qof ayaa ku dhintay, 7 kalena wau ku dhaawacmeen Qaraxyo Isniinta Maanta ka dhacay Caasimadda Dalka Nepal.

Booliska wuxuu sheegay inay Qaraxyadan ka dhacay Caasimadda Kathmandu ay uga shakisan yihiin koox gooni u goosato ah oo Dawladda ka soo horjeedda.

Afhayeen u hadlay Booliska Nepal oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Qaraxyada Dadku ku dhinteen, sidoo kalena sababeen Dhaawacyo, Dadkii ku dhaawacmayna Xaaladdooda lagula tacaalayo Cisbitaallada Caasimadda Kathmandu “Qaraxyada Saddex Qof baa ku Geeriyooday, midka Afraadna wuxuu Geeriyooday isagoo lagu dawaynayo Cisbitaalka..” ayuu yidhi, Shyam Lal Gyawali oo ah Afhayeenka Boolisku.

Qaraxyadan oo waaweynaa ayaa qaarkood waxay saameeyeen dhismayaasha Dugsiyada Waxbarashada, gaar ahaan kuwii u dhawaa goobta ay ka dhaceen.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka