Ethiopia Oo Raaligalin Ka Bixisay Khariirada Afrika Oo Somalia Ka Maqan Tahay Oo Lagu Daabacay Website Ay Leedahay

Addis Ababa, (HCTV) – Wasiirka Arrimaha dibada ee dalka Ethiopia ayaa raaligalin ka biyey kadib markii website-ka lagu daabacay khariirada Afrika oo aanay ku jirin dalka ay jaarka yihiin ee Somalia oo ay xad la leeyihiin.

“Waxaanu ka xunahay khalkhalka iyo isfahamadarada ay sababtay dhacdadaasi,” ayaa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaarada Arimaha dibada ee dalka Ethiopia.

Khariiradan lagu baahiyey barta Internet-ka ee Wasaarada Arimaha Dibada ee dalka Ethiopia ayaa gabi ahaanba aanay ka muuqan Khariirada Somaliland, balse waxa ka muuqda Somaliland oo ah dal aan wali aqoonsi caalami ah ka helin beesha caalamka.

Inkasta oo dawladaha Somalia iyo Ethiopia ay mar cadow isku ahaayeen ayaa hadana xidhiidhka ka dhexeeya labada dal uu soo hagaayey tan iyo intii Raysal Wasaaradaha dalka Ethiopia uu talada dalkaasi qabtay, oo Raysal Wasaaraha Ethiopia uu socdaal ku tagay magaalada Muqdisho halka Madaxweynaha Somalia uu dhawr jeer booqday dalka Ethiopia.

Warkan ayaa Telefishanka HCTV uu ka soo xigtay BBC-da

https://www.bbc.com/news/world-africa-48421416

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA