Tartanka Garoonka Xawaadle Ee HCTV Oo Maraya Marxaladdii Is Reeb-reebka

Hargeysa (HCTV) – Tartanka Kubadda Cagta ee bisha Ramadaan ee Telefiishanka HCTV ka wado Garoonka Xawaadle ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxay galeen wareeggii Saddexaad.

Tartankan oo ay ka qayb-galayaan Kooxaha Heerka koowaad ee Caasimadda Hargeysa, iyagoo kooxuhu ku ciyaaraya Magacyada Shirkadaha Dalka qaarkood.

iyadoo tartanku marayo Marxaladdii is reeb-reebka, Toddobaadkii tagay waxa la soo xulay Ciyaartoygii ugu fiicnaa toddobaadkaasi, kaasi oo noqday Siciid Cabdikariin.

Siciid Cabdikariin waxa soo xulay Guddiga Garoonka Xawaadle ee tartanka HCTV “Siciid Cabdikariin Cabdillaahi ayaanu u guranay inuu ahaa laacibkii ugu wanaagsanaa, waxaanu noqday Ciyaartoyga Toddobaadka ee Tartanka HCTV, waxaanu ku mutaystay Saddex gool, soona bandhigay Ciyaar aad u wanaagsan” ayuu yidhi, mid ka mid ah Guddiga Garoonka Xawaadle oo halkaa ka hadlay.

Madaxa Tartamada Ciyaaraha ee Telefiishanka HCTV, Cabdikariin Siciid Saalax oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Ujeeddada uu Guddoomiyaha HCTV ka leeyahay in dhallinyarada la dhiiri-geliyaa waxay tahay inay dhallinyaradu ka jeedsadaan Qabyaaladda, Tahriibka, una soo jeedsadaan Kubadda Cagta..”

Cabdikariin Siciid Saalax waxa kale oo uu sheegay “Waxaan u rejaynayaa Siciid Cabdikariin uu ku guulaystay Laacibkii ugu wanaagsanaa Tartanka Garoonka Xawaadle toddobaadkii dhamaaday, waxaanuna u rejaynaynaa inuu Toddobaadyo kale oo badana ka mid noqdo Ciyaartoyada ugu wanaagsan, xirfaddiisana uu guul ka gaadho..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Anigoo Wakiil ka ah Guddoomiyaha Telefiishanka HCTV, Agaasimaha guud iyo guud ahaan bahda HCTV, waxaanu leenahay kama daalayno tartamada noocan ah iyo inaanu dhallinyarada dhiirigelino..”

Ciyaartoyga Siciid Cabdikariin oo abaal-marin la guddoonsiiyey ayaa isaguna u Mahad-naqay Telefiishanka HCTV ee Tartanka Garoonka Xawaadle ka socda Maalgeliyey, waxaanu yidhi “Bahda HCTV iyo Guddiga Garoonka Kubadda Cagta ee Xawaadle, waxaan leeyahay waad  Mahadsan tihiin, waan ku faraxsanahay shaqada aad qabateen..”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka