Magacyada 14 Maxaabiis Dagaal Ah Oo Somaliland U Siidaysay Puntland

Hargeysa (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa cafis u fidiyay 14 maxbuus oo Ciidammada lagaga qabtay dagaalkii Sannadkii hore ka dhacay Degmada Tuke-raq ee Gobolka Sool ee Somaliland.

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac oo goor dhawayd Shir-jaraa’id qabtay ayaa isagoo faahfaahinaya sababta loo siidaayey Maxaabiistaasi wuxuu yidhi “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi wuxuu fagaarihii lagu xusayey 28 Guuradii Madax-bannaanida Somaliland uu ka caddeeyay inuu Nabadgalyo diyaar ula yahay Cid kasta, isla-markaana Xukuumadda Somaliland ay siidaynayso Maxaabiistii lagu soo qabtay dagaalkii lagu soo qaaday deegaanka Tuke-raq ee gudaha Dalka Jamhuuriyadda Somaliland ee ay ka dambeeyeen Maamulka Farmaajo, Maxaabiistaas oo tiradoodu dhamayd 14 Maxbuus, kuwaasi oo Magacyadooduna kala ahaayeen:-

  1. Cabdinaasir Cismaan Cali
  2. Cabdinuur Maxamed Cabdulle
  3. Maxamed Siciid Yuusuf
  4. Cali Faarax Aadan
  5. Maxamed Cabdi Caynab
  6. Cabdixaafid Cabdillaahi Xalane
  7. Xuseen Siciid Warsame
  8. Cabdinaasir Maxamed Nuur
  9. Maxamed Abshir Aadan
  10. Ibraahim Xasan Salaad
  11. Axmed Maxamed Axmed
  12. Siciid Ducaale Cali
  13. Mahad Nuur Cali
  14. Faarax Maxamed Cabdi

Maxaabiistaa wuxuu Madaxweynaha Somaliland uu Maanta ku saamaxay Wareegto Madaxweyne. Madaxweynuhu markuu arkay Dastuurka JSL qodobkiisa 90-aad, farqaddiisa 5-aad, markuu arkay qoraalka Xeer ilaaliyaha guud ee Ciidammada Qaranka ee ku taariikhaysan 26-ka bisha 5-aad, 2019, markuu Tixgeliyey nabadgalyada guud ee Gobolka Geeska Afrika iyo bisha barakaysan ee Ramadaan, markuu la tashaday Cidda ay khusayso wuxuu go’aansaday in laga bilaabo Taariikhda Maanta uu saamaxaad u fidiyo Maxaabiista dagaal ee Maamul-gobolleedka Soomaaliya ee Puntland ee Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ku soo qabteen Dagaalkii Tuke-raq.”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka