Sucuudiga Oo Amiirka Qatar Ku Martiqaaday Shirka Golaha Iskaashiga Gacanka Oo Ka Dhacaya Mecca

Mecca, (HCTV) – Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa martiqaad ka helay boqorka dalka Sucuudi Carabiya Boqor Salman si uu uga soo qaybqalo shir degdeg ah oo ay yeelanayaan dalalka ku bahoobay golaha iskaashiga gacanka oo magaalada barakacaysan ee Mecca ka dhici doona 30-ka bishan May, sida uu sheegay wasiirka arimaha dibada ee dalka Qatar.

Sidoo kae Raysal Wasaare ku xigeenka iyo Wasiirka arimaha dibada Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ayaa iyaguna sidoo kale helay fariin ay kulan kula yeelanayaan xoghayaha guud ee Golaha Ishkaashiga Gacanka Abdullatif bin Rashid Al Zayani.

Bishii June ee sanadkii 2017, Saudi Arabia, Egypt, Bahrain iyo Imaaraadka Carabta ayaa xidhiidhka u jaray dalka Qatar, iyagoo ku soo rogay cunaqabatayno dhinacyada dhulka bada iyo cirka ah.

Waxaanay xiligaasi ay dalalka Gacanku ay ku eedeeyeen dawlada Qatar inay taageerto argagixisada iyo dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo ay ka mid yihiin Ikhwaanul Muslimiin.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA