Burkina Faso (HCTV) – Afar Qof ayaa lagu dilay Weerar lagu qaaday Kiniisad ku taalla Waqooyiga Dalka Burkina Faso Axaddii Shalay, sida ay soo Werisay Al-jazeera oo HCTV soo xigtay.
Weerarkan ayaa ku soo badanaya xilli Gobolkaa ay ku soo badanayaan Weerarrada lala beegsanayo Goobaha ay ku cibaadaystaan Dadka Kiristaanka ah, isla-markaana khasaaraha la gaadhsiinayo.
“Bulshada Kiristaanka ah ee degaanka Toulfe waxay bar-tilmaameed u ahaayeen Weerarro Argagixiso..” ayuu Justin Kientega oo ka mid ahaa Baadariyadaa Magaalada kiniisaddeeda la weerarray, waxaanu intaa ku daray “Weerarku wuxuu galaaftay Afar Qof oo ku dhintay..”
Ilo-wareedyo dhanka Ciidammada amniga ah ee Dalka Burkina Faso ayaa Wakaaladda Wararka ee AFP u sheegay inay Kiniisadda weerarreen Rag aad u hubaysan isla-markaana beegsadeen Dad ku cibaadaysanayey, halkaana ay ku dileen Afar Qof.
Toufle ayaa 240km dhanka Waqooyi-galbeed ka xigta Magaalada Ouagadougou.
Dadka Weerarka geystay illaa hadda lama aqoonsan, mana jirto sheegatay Masuuliyadda Weerarka.
Deegaanka ay ku taallo Kiniisadda la weerarray ayaa waxa illaa sannadkii 2015-kii ka socday Weerarro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah, waxaana illaa xilligaa halkaa ku dhintay dad gaadhaya 400 Qof.
Horn Cable Tv
Waaxda ONLINE-ka