Agaasimaha Huawei Oo Yidhi ‘Shiinuhu Waa Inaanu Ciqaabin Apple’

Hong Kong, (HCTV) – Madaxa shirkada, ahna aasaasaha shirkadda tiknoolajiyada ee Huawei, Ren Zhengfei,  ayaa difaacay Maraykanka oo ka soo horjeeda Apple.

Waraysi uu siiyey warbaahinta Bloomberg  oo ku saabsanaa baaqa ay Shiinuhu uu ku xayirayo shirkadda (AAPL), ayaa Ren uu ka soo horjeedsaday talaabo kasta oo Beijing ay ku dhaqaaqdo xataa hadii ay ka sii darto xiisada iyaga iyo Maraykanka u dhaxaysa.

“Taasi ma dhici doonto marka koowaad, marka labaad haddii ay taasi dhacdo, waxaan noqon doonaa markii ugu horeysay ee aan ka soo horjeedsano,” ayuu u sheegay Bloomberg.

“Apple waa shirkad hormuud ka ah adduunka, hadii aanay Apple jirna, muu jiri lahayn internet-ku. Apple waa macalinkayga, waxaanay kor u kac samaysay anaga oo arkayna, arday ahaan maxaan uga soo horjeedsanayaa macainkayga? Ayuu yidhi Madaxa shirkadda Huawei.

Wasaaradda Ganacsiga ee Mareykanka ayaa Huawei ku dartay liiska madow bishan horraanteedii, waxaanay gabi ahaanba xayiraad saartay in shirkaddu ay ka ganacsato dalka Maraykanka.

Sidoo kale Google (GOOGL) iyo ARM holdings ayaa iyaguna joojiyey xidhiidhkii ganacsi ay la lahaayeen shirkadda Huawei si ay u gooyaan xidhiidhka shirkadda Shiinaha.

Xayiraadaha Mareykanka waxay halis gelinayaan heerka Huawei ee ah adeega qalabka isgaadhsiinta ee adduunka ugu weyn iyo Lambarka 2aad ee qalabka casriga ah.

Xayiraada Washington ee shirkadda Shiinaha “wuxuu kicin karaa wershadaha casriga ah isaga oo sii wadi doona horumarka wanaagsan ee shirkadda Huawei,” falanqeeyayaasha Fitch Ratings ayaa sidaasi ku qoray wargayska axadii. Mamnuuciddu waxay sidoo kale ka faa’iideysan karta Samsung sida macaamiisha aduunka oo dhan ee raadsanaya talooyin kale oo khadka casriga ah ee Huawei ay u helaan. Huawei iyo Apple ayaa si weyn uga dhex muuqday suuqa dalka Shiinaha. Waxaanay Shirkadda Huawei ku dhowaad 30 milyan oo qof ku iibsatay Shiinaha rubuc dhamaadkii bishii March, iyada oo kor u kacday 41% marka loo eego isla muddadani sannadkii hore.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA