Soomaaliya: Gabadh Da’yar Oo Lagu Dilay Magaalada Gaalkacayo

Gaalkacayo (HCTV) – Magaalada Gaalkacayo ee Xarunta Gobolka Mudug ee Soomaaliya ayaa xalay lagu dilay Gabadh dhallinyaro ah.

Warar kala duwan oo ka imanaya Magaalada Gaalkacayo ayaa sheegaya in Gabadha oo dhallinyaro ah ay dhallinyaro Rag ahi ay qudha kaga jareen Tooray ay dhowr jeer kaga dhufteen meelo halis ah.

Allaah ha u naxariistii Gabadha ayaa Gacan ku-dhiigleyaashu dileen, xilli sida la sheegay ay ka soo baxday Salaadda Taraawiixda oo ay Masaajid Gurigooda ku dhawaa ku soo tukatay.

Inanta Geeriyootay oo Magaceeda lagu sheegay Nimco Cumar Shire ayaa u Geeriyootay Dhaawacyo ka soo gaadhay meelo dhuuntu ka mid tahay oo torayda lagaga dhuftay, sida laga soo xigtay Dadka ku dhaqan Magaaladaasi ee falkan goob-joogga u ahaa.

 

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka