Myanmar Oo Soo Saartay Waaran Lagu Soo Xidhayo Wadaad Buddhiste Ah

Yangon, (HCTV) – Maxkamad ku taaa dalka Myanmar ayaa soo saartay Waaran qabasho ah oo lagu soo xidhayo  wadaad Aaminsan diinta Buddhism-ka oo la yidhaa Wirathu, kaas oo dadka dalkiisa ku dhiirigaliya falal ka dhan ah Muslimiinta laga tirada badan yahay Rohingya.

Wadaadkan Buddhistaha ah ayaa mar isugu yeedhay ama la magac baxay inuu yahay bin Laden-ka Burmese-ka “Burmese bin Laden”, waxaana laga yaaba inuu wajaho sharciga dalkaasi ee mamnuucaya hadalada kicinta ah.

Hase yeeshee bileyska ayaa ilaa iyo hada hoos u dhigaya sababata loo soo xidhayo Wirathu, waxaana Wadaadkan aaminsan diinta Buddhism-ka uu mudooyinkii u dambeeyey uu hadalo cadho leh uu dusha kaga tuuray saraakiisa dalkaasi isagoo sidoo kalena weerar dhinaca afka ah ku qaaday hogaamiyaha shacabka Myanmar haweenayda la yidhaahdo Aung San Suu Kyi.

Inkastoo uu jiro waaranka qabashada ah ee Maxkamadu ay u jaray ninkan balse ilaa iyo hada lama soo xidhin waxaanay wararku sheegayaan in uu dhuumaalaysanayo.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONINE-KA