Kenya Oo Xayirtay Shixnadaha Alaabta Aan Lala Socon Ee Ka Yimaada Somalia

Wajeer, (HCTV) – Maamulka duulista hawada ee dalka Kenya ayaa ku dhawaaqay inay mamnuuceen shixnadaha ay ka midka yihiin boorsooyinka ee aan lala socon ee diyaaradaha ka yimaada Soomaaliya ay soo qaadaan, waxaanay dhamaan duulimaadyada ka yimaada Somalia ay cago dhigan doonaan magaalada Wajeer si loogu soo baadho.

Warqad lagu socodsiiyey Somalia oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Kenya ayaa lagu sheegay in hay’adaha amniga iyo duulista lagu amrayo in duulimaadyadii tooska ahaa Nairobi iyo Muqdisho loo qaaday si loo hagaajiyo heerarka ammaanka duulista iyo socdaalka.

Go’aankan dawladda dalka Kenya ka soo baxay ayaa sidoo kale lagu sheegay in lala wareegi doono dhammaan xamuulka aan lala socon laguna burburinayo sida uu qabo shuruucda duulimaadka hawada, iyadoo dawladda Kenya ay muujisay inay ka walaacsan tahay alaabo badan oo aan lala socon oo la saaro duulimaadyada ka yimaada Soomaaliya, taasoo ay xustay inay ka hor imaaneyso shuruucda caalamiga ah, ayna keeni karto khatar amni.

“Dowladda Kenya ma ogolaan doonto alaab aysan la socon qofkii lahaa in la keeno dalka. Alaabtaas waa lala wareegi doonaa waana la burburin doonaa iyadoo la eegayo badbaadada duulimaadyada iyo shuruucda amniga diyaaradda soo qaaddana waa lala xisaabtami doonaa.” ayaa lagu yidhi go’aan ka soo baxay dowladda Kenya.

Go’aankan cusub oo saameyn ku yaalanaya ganacsatada ayaa ku soo beegmaya iyada oo xiisada diblumaasiyadeed ee labada dal ay cirka isku sii shareereyso,laguma caddeyn go’aanka Kenya ka soo baxay haddii warbixitaasi lala wadaagay dowladda Soomaaliya gaar ahaan laanta socdaalka hawada.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA