Sucuudiga Oo Magaalada Barakaysan Ee MECCA La Doontay Shir Lagaga Soo Horjeedo Iran

Mecca, (HCTV) – Shirka dalalka Carabta iyo hogaamiyeyaasha muslimka ah ayaa maanta ka furmay magaalada Barakaysan ee Mecca Al-Mukarama.

Shirkan oo noqonaya kii saddexaad ee ay yeeshaan dalalkaasi Carabta iyo Muslimka ah ayuu Sucuudi Carabiya ay ku raadinaysaa taageero lagaga horyimaado dawada Iran oo lagu eedeeyey inay ka dambaysay weerarka maraakiibta shidaalka Sucuudiga ee lagu weeraray gudaha Imaaraadka Carabta.

Shirkan ka dhacay magaalada Barakaysan ee dalka Sucuudiga ayaa ku soo beegmaya saacado ka dib markii la taliyaha amaanka ee dalka Maraykanka John Bolton uu sheegay inay hubaal tahay in Iran ay ka dambaysay weerarkii lagu qaaday afarta markab ee Sucuudigu uu lahaa laba ka mid ah xili ay marayeen xeebta dalka Imaaraadka Carabta.

Dawladda Iran ayaa gaashaanbuur la ah kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen,kuwaas oo sidoo kale weerar loo adeegsaday diyaarad drone ah oo ay ku qaadeen boqortooyada Sucuudi Carabiya ay sababtay in si kumeelgaadh ah loo xidho dhuun weyn oo shidaaku maro.

“Tehran waxay taageertaa maleeshiyada Xuutiyiinta ee dalka Yemen taasina waxay cadaynaysaa faragalinta Iran ay ku leedahay dalalka kale, arintan waa in wadamada Muslimka ahi ay ka gilgishaan,” sidaasi waxa yidhi Wasiirka Arimaha dibada ee dalka Sucuudi Carabiya Ibrahim al-Assaf kaas oo sidaasi u sheegay 57 wasiiro arimo dibadeed oo ka soo qaybgalay kulan ay ku yeesheen magaalada Jeddah xalay.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA