Qaramada Midoobay Oo Dhimaysa 1,000 Askari Oo Ka Mid Ah Ciidamada Nabad Ilaalinta Somalia

New York, (HCTV) – Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay dhimayso ciidamada Midawga Afrika ee Somalia ee (AMISOM).

Balse go’aankan qaramada MIdoobay ayaa lagu sheegay hadii aanay kordhin weerarara kooxda Al-shabaab ay ku hayso caasimada inaan la dhimic doonin ciidamadaasi oo ay sii joogi doonaan hadii ay xaaladu ka sii darto.

Hawlgalka Midawga Afrika ee Somalia ayuu qorshihiisu yahay in amaanka Somalia si aayar aayar ah gacanta loogu galiyo ciidamada somaia waxaana qorshahaasi la gaadhay sanadkii 2017-kii.

Waxaana Qaramada Midoobay ay mudo dheer raadinaysay in Somalia laga xasiliyo kooxda All-qacida xidhiidhka la leh ee Al-shabaab oo iyagu mudo tobanaan sanadood ah ay ka dhaqaaqi la’yihiin dawladihii kala dambeeyey ee Somalia.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA