Shirkii Dawladaha Islaamka Ee MAKKA Oo Gebigabadiisii Jerusalem Lagu Difaacay

Makka (HCTV) – Hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo Madaxda Dalalka Islaamka oo shir ku yeeshay Magaalada barakaysan ee Makka ayaa si wada jir ah u cambaareeyay go’aankii uu Madaxweynaha Maraykanku uu Jerusalem ugu aqoonsaday Caasimadda Isreal.

Hoggaamiyeyaasha Dalalka Islaamka ayaa Go’aanka uu Madaxweyne Trump uu Jerusalem ugu aqoonsaday Caasimadda Isreal ku sheegay mid Sharci-darro iyo Masuuliyad-darro ah.

War-saxaafadeed ay si wada jir ah u soo saareen 57 Waddan ee Islaamka ah, ka dib gebogabada Shir deg-deg ah oo ay ku yeesheen Magaalada Barakaysan ee Makka, ayaa waxay u soo jeediyeen Dawlado sheegay inay Safaaradahooda u rararayaan Jerusalem u soo jeediyay inay arrintaa dib uga fikiraan, maaddaama oo haddii ay sidaasi sameeyaan ay ku gefayaan Sharciga Caalamiga ah.

Ururka Dawladaha Islaamka ee OIC wuxuu ku baaqay in Dalalka Safaaradahooda u rarra Jerusalem ay ka qaadaan Tallaabo ku habboon.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Magaalada lagu muransan yahay ee Jerusalem u aqoonsaday Caasimadda Isreal, sannadkii 2017, isagoo jebinaya hab maamuus tobannaan sannadood soo jiray, waxaanau bishii May 2018 uu Safaaraddii Maraykanka ee ku taallay Tel Aviv uu u rarray Jerusalem.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka