Ethiopia Oo $25 million U Qaadhaantay Qurxinta Addis Ababa

Addis Ababa, (HCTV) – Dedaalo lacag looga gol leeyahay in lagu qurxiyo Addis Ababa lagu ururinayey ayaa gaadhay $25 million oo dollar in durtaba la soo qaadhaamay.

Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed ayaa isagu soo bandhigay qadarkii ugu dambeeyey ee lacagta ee ay ugu yabooheen dadka dalkaasi iyo taageerayaasha caalamkiga ah oo ay ku jirto dawladda dalka Talyaaniga oo iyadu ku deeqday lacag gaadhaysa 5,000,000 Euros.

Sidoo kale laba hay’adood oo Qaramada Midoobay ka tirsan iyo Bangiga Horumarinta AFrika ayaa iyaguna kaga qaybqaatay Hal Million oo dollar midkiiba, waxaana 17 million oo dollar oo ka mid ah lacagtaasi la ururiyey la dhigay bangiga ganacsiga ee Ethiopia.

Mashruucan ayaa ujeedadiisa looga gol leeyahay in lagu qurxiyo muuqaalka guud iyo meelaha muhiimka ah ee caasimada dalka Ethiopia ee Addis Ababa, waxaana mashruucan la filayaa inuu shaqo abuur farabadan uu sameeyo marka la gaadho wajiga koobaad ee mashruucaasi, waxaana sidoo la rumaysan yahay inuu wax ka taro koboca dhaqaalaha iyo inuu kordhiyo dalxiiska magaalada.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA