Philippines Oo Kumanaan Ton Oo Qashin Ah U Dirtay Canada

Manila, (HCTV) – Dalka Philippines ayaa bilaabay in uu dib ugu celiyo shixnad kontiinaro ah oo ay ka buuxaan qashin inay dib ugu celiso dalka Canada, Waxaana la filayaa in talaabadani ay soo afjarto lix sanadood oo muran u dhexeeyey labada dal.

Dalka Philippines ayaa wakhtixaadirkan diyaariyey 69 kontiinar oo ay ku jiraan 2,500 ton oo khashinka guryaha ka soo baxa, caaqadaha, baco, joornaalo iyo waxyaabo kale oo tiro badan ayaa laga buuxiyey markab taagan dekeda waqooyigalbeed ee caasimada dalkaasi ee Manila.

Waxaana la filayaa in shixnadan khashinka ah ee ka shiraacatay dalka Philippines ay qaadato safar bil ah inuu ku sii jiro badda inta uu ka gaadhayo dekeda Canada ee Vancouver.

“Baaaaaaaaa bye, khashinkii waa la qaaday, qaadid wanaagsan,’ sidaaasi waxa yidhi  Xoghayaha Arimaha dibada ee dalka Philippines Teodoro Locsin oo qoraalkaasi soo dhigay barta uu ku leeyahay Twitter, isagoo sidoo kalena soo posting-gareeyey sawirka markabaka oo sii dhaqaaqaya.

Saddex sanadood ka hor ayay maxkamad ku taala dalka Philippines ay ku dhawaaqay in loo dhoofiyo Canada 2,400 ton oo hadhaa sharcidaro ah, waxaanu Madaxweynaha dalka Philippines Rodrigo Duterte uu amray in khashinkan dib loogu celiyo dalkaasi Canada.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA