Wadahadal Addis Ababa Ku Dhexmaray Raysal Wasaaraha Ethiopia Iyo Madaxweynaha Somalia

Addis Ababa, (HCTV) – Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed ayaa maanta oo Axad ah wadahadalo la yeeshay Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo ku sugan magaalada Addis Ababa ee Caasimada dalkaasi Ethiopia.

Xafiiska Raysal Wasaare Abiy Axmed ayaa sheegay in labada masuul ay ka wadahadleen xidhiidhka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya labada dal oo ay ka mid yihiin sii wadida inay ka wadashaqeeyaan arimaha gobolka ee ku taxaluqa Nabada iyo Amaanka.

Xidhiidhka labada dal ee Ethiopia iyo Somalia ayaa mudooyinkii u dambeeyey kor u kac uu ku yimid kadib markii labada hogaamiyo ay yeesheen kulamo dhawr kadib markii Madaxweyne Farmaajo uu booqday Addis Ababa iyo Abiy Axmed oo ay mar kale ku Kulmeen magaalada Nairobi oo uu Raysal Wasaaraha Ethiopia dhexdhaxaadin ka waday Kenya iyo Somalia oo muran diblomaasiyadeed uu soo kala dhexgalay.

Hase yeeshee wararka laga helayo kulankan labada hogaamiye ayaa sheegaya in ay diirada ku saareen xushmaynta madaxbanaanida dawladnimo ee labada dal, iyo in si wanaagsan looga wadashaqeeyo arimaha dhaqaalaha iyo bulshada ee labada dal.

“Kulanka labada hogaamiye ayaa waxa ku wehelinaysay Marwada Koowaad ee Somalia.

Ugu dambayntiina todobaadkii la soo dhaafay Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia oo waday olole uu dalkiisa kaga beerayo Afar Billion oo gees ayaa ka bilaabmay deegaamada Adama ee gobolka Oromia, sidoo kale waxa la arkayey muuqaalka Madaxweynaha Somalia oo kulanka Raysal Wasaaraha Ethiopia ka dib dhir la beeraya.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA