UK: Booliska Oo Xidhay Dad Doonayey Inay Dhibaato ka Geystaan Masaajid Ku Yaalla Cardiff

Cardiff (HCTV) – Booliska Magaalada Cardiff ayaa Xabsiga u taxaabay laba dhallinyaro ah, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay Dhibaataynayeen Dad ku sugnaa Masaajid ku yaalla Halkaasi.

Dhallinyarada la xidhay oo 18 iyo 19 jirro ah ayaa Xarun lagu Magacaabo Dar Ul Isra oo ku taalla Magaalada Cardiff isla-markaana Masaajidku qayb ka yahay ka sameeyay Rabshad ay ku cabsi-geliyeen Dadkii doonayey inay tukadaan.

Falkan oo dhacay 01:30 habeennimo ee Axaddii ayaa waxa si wada jir ah uga hadlay Maamulka Dar Ul Isra iyo Guddiga Muslimiinta Gobolka Wales, waxayna sheegeen in dhibaatada ay geysteen dhallinyaradaasi aanay keenin wax dhaawac ah “Cid ka socota Masaajidku ma dhaawacmin, Booliska ayaa xaaladda Gacanta ku haya oo la xaalaya, wayna sii wadanayaan Baadhitaannadooda, waxaanu u Mahad-celinaynaa Booliska Koonfurta Wales sida ay uga fal-celiyeen..” ayaa lagu sheegay War-saxaafadeedka ay sida wada jirka ah u soo saareen.

Booliska oo intii ay hawl-galkan wadeen xidhay Waddooyinka iyo Xarumaha laga raaco Tareennada ee Cardiff ayaa mar dambe sheegay inay tallaabooyinka noocaas ah u qaadeen inay ka hor-tagaan inay dhacaan Weerarro loo adeegsado Mindiyo.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka