Booqasho 3 Maalmood Ah Oo Trump Uga Bilaabantay London

UK (HCTV) – Madaxweynaha Dalka Maraykanka Doland Trump ayaa waxa Magaalada London uga bilaabantay booqasho Saddex Maalmood ah.

Madaxweynaha oo ay weheliyaan Xubno Qoyskiisa ka mid ah oo ay Marwada koowaad ugu horrayso ayaa markii uu London gaadhay wuxuu dhismaha Buckingham Palace kula kulmay Boqorradda Dalka Ingiriiska.

boqorrada Ingiriiska Queen Elizabeth II oo dhoolla-caddaynaysa ayaa gacan-qaadday Madaxweyne Trump oo isaguna dhoolla-caddanayey, ka hor inta aanay soo dhaweyn Marwada koowaad ee Maraykanka oo Madaxweynaha Safarka  ay ku wehelinayaan iyada iyo qaar ka mid ah ubadkoodu.

Trump inta aanu booqashada ugu tagin Queen Elizabeth II wuxuu salaam ka qaaday laba Layn oo Ciidammada boqortooyada oo safaf u taagnaa.

Trump intaanu soo cago-dhigan London wuxuu Twitter-ka ku weerarray Maayarka Magaalada London oo Sidiiq Khan oo hore u dhaliilay booqashada Trump ee London iyo hadalladiisa oo uu ku sheegay kuwo naxli ka dhex abuura Bulshada.

Trump ayaa inta uu ku sugan London wuxuu la kulmi doonaa Madax ay mid tahay Raysal-wasaarihii iscasishay ee Ingiriiska Theresa May, taasi oo si ku meel-gaadh ah xilka u sii haysa.

May oo toddobaadkan hadashay ayaa sheegtay in booqashada Trump ee Uk ay sii riixayso xidhiidhka UK iyo Maraykanka.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka