Guddiga Xumaan-reebistu Maxay Ka Yidhaahdeen Xus Ku Cusub Dhegaha Shacabka ?

Hargeysa (HCTV) – Guddiga wanaag farista iyo xumaan-reebista Somaliland ayaa ka hadlay Xus loogu Magac-daray ‘Maalinta Caalamiga ah ee caadada Dumarka’, taasi oo lagu qabtay Magaalada Hargeysa Toddobaadkan.

Xuskan oo ku cusub dhaqanka Soomaalida ayaa guddigu ku sheegeen inuu meel ka dhac ku yahay Diinta Islaamka oo ay sheegeen inay si dhowrsoon uga hadashay.

Guddoomiyaha Guddiga wanaag-farista ee Gobolka Maroodi-jeex oo ugu horrayn halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Dumarka arrimaha u gaarka ah in Shirweyne loo qabto oo Magac loo bixiyo oo la buunbuuniyo oo la yidhaahdo Caadada Dumarka ayaa laga hadlayaa, waxaasi wax Diin ahaan, Dad ahaan iyo Dal ahaan midnaba inoo cuntama maaha. waxaanu Dadka Masuuliyiinta ah ee Madaxweynuhu ugu horreeyo ugu nasteexaynaynaa wixii Dalka iyo Diintaba..”

Mid ka mid ah Odayaasha Guddiga wanaag-farista ayaa isaguna Xukuumadda ugu baaqay in laga daba tago Ciddii qabatay Xuska ku saabsan Caadada Dumarka “Ninka weyn ee Afka kala qaaday ee yidhi Caadada dumarka iyo Gabadha ay isa soo ag-taagtay, hala is waydiiyo halka ay Diinta Islaamka kaga dhaceen, markaa Xukuumadda waxaanu leenahay Ciddii arrintaa Xafladda u qabatay ha laga daba tago, dhaqankaa hala qabto..”ayuu yidhi.

 Xuska ay Guddigu ku sheegayaan dhaqan-xumada waxa 28-kii bishii hore ee May Hargeysa ku qabatay Xarunta dhaqanka ee Hargeysa.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka