ICRC Oo Sheegtay In 17 Maxbuus Oo Somaliland Iyo Puntland Kala Qabsadeen Ay Gaadheen Guryahoodii

Hargeysa, (HCTV) – Hay’adda ICRC ayaa sheegtay in 17 xubnood oo ah Askar Maxaabiis ah oo ay kala qabsadeen Somaliland iyo Puntland intii lagu gudo jiray dagaalkii labada dhinac ka dhex qarxay bishii May 2018-kii la sii daayey kadibna ku noqday guryahoodii.

Kevin Ngang Che oo u hadlay hay’adda ICRC ayaa sheegay in ay door ku lahaayeen sii daynta Maxaabiistaasi isla markaana 17-kaa Maxbuus ee la sii daayey ay ku noqdeen guryahoodii oo ku yaalay Hargeysa iyo Garoowe, waxaanu uu tilmaamay in ICRC ay qayb ka qaadatay hanaankii lagu sii daayey Maxaabiistaasi.

“anaga oo ka walwalsanayn maamul dawladaha, ayaa markii dambe waxay nagu waafaqeen hanaanka. Waxaananu gacan ka geysanayn sidii labada dhinacba aanu uga xaqiijin lahayn in 17-kaa Maxbuus ay dib ugu noqdaan dhulkoodii,’ sidaasi waxa isna yidhi Simon Brooks, oo ah Madaxa hay’adda ICRC ee Somalia oo isagu hogaaminayey weftiga. Waxaanu intaasi ku daray “Taasi waa rajadii ay filaysay ICRC ee ay rumaysnayd inay dib ugu noqdaan Maxaabiistaasi guryahooda oo ay la ciidaan qoysaskoodii munaasibada ciida.”

Gabagabadii hay’adda ICRC ayaa waxa ay sheegtay in si joogta ah ay u booqanayeen maxaabiistan si ay u kormeeraan xaaladooda iyo sida ay ku sugan yihiin iyo inay la kulmaan wax cabsigalin ah, waxaanay sidoo kale tilmaameen inay gacan ka geysteen sidii Maxaabiistaasi xidhan iyo qoysaskoodu ay u wada xidhiidhi lahaayeen.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA