Dalka Sudan Oo Dhiig Ku Daatay

Khartuum, (HCTV) – Golaha Milatariga Kumeelgaadhka ah ee dalka Sudan (TMC) ayaa go’aansaday inay ka baxaan dhamaan heshiisyadii ay la galeen isbahaysiga mucaaridka, waxaanay sii wadi doonaan in ay doorasho ku qabtaan sagaal, sida ay sheegeen.

Dhawaaqan ayaa soo saaray Lieutenant General Abdel Fattah al-Burhan xili hore oo maanta ah, oo ciidamada amaanku ay qaadeen talaabooyin lagu nadiifinayo oo meesha lagaga saarayo dibadbaxayaasha ku sugan xarunta milatariga ee magaalada Khatuum, oo ujeedada dibadbaxayaashu ay ahayd in ay bilo u halgamaan xukunka dalka in shacabku gacanta ku dhigo.

Kooxaha dibadbaxaya ayaa sheegay in ugu yaraan 35 qof ay ku dhinteen boqolaal kalena ay ku dhaawacmeen weerar ay qaadeen ciidamada amaanku, oo ay ugu yeedhaan “Xasuuq Dhiig”.

“Golaha Milatarigu waxa uu go’aansaday inuu joojiyo wadaxaajoodkii ay la lahaayeen isbahaysiga Isbadalka iyo xoriyada dalbanaya, waxaananu joojinay wixii aanu isku waafaqnay iyo in doorashada guud ay ku dhacdo sagaal bilood,” Al-Burhan ayaa sidaasi ka sheegay telefishanka dalkaasi.

Hogaamiyaha Milatariga Sudan General Burhan ayaa intaasi ku daray in barta ay uga dhaqaaqayaan xiligan ay tahay in la sameeyo dawladd ku meelgaadh ah oo diyaarisa doorashooyin si caalamiya loo kormeero.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA