Erdogan Oo Sheegay Inaanay Ka Laba Lugoodin Doonin Heshiis Ruushka Ay La Galeen

Istanbul, (HCTV) – Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in aanu jiri doonin talaabo dalkiisu uu dib ugaga noqonayo heshiiskii uu dalka Ruushka kula galay gantaalada difaaca cirka ee S-400 missile oo dalka Maraykanku uu aad uga soo horjeedsaday.

Todobaadkii la soo dhaafay ayay ahayd markii xarunta gaashaandhiga dalka Maraykanka ee Pentagon-ku ay sheegtay in cawaaqib xuni uu ku keeni doono ka mid ahaanshaha dalka Turkiga ee barnaamijka F-35 iyo wadashaqaynta NATO hadii dalkaasi uu ku adkaysto inuu sii wado qorshihii uu Ruushka kaga iibsanayey Hanaanka Hubka Difaaca Diyaaradaha ee dalka Ruushka.

Madaxweynaha dalka Turkiga oo arintaasi ka hadlayna waxa uu yidhi “Waxa jira heshiis. Waxa aanu leenahay aayo ka tashi. Taasi waa mid su’aasha ka baxsan in aanu talaabo dib u qaado oo aanu ka noqono,” ayuu yidhi Madaxweynaha dalka Turkiga oo warfidiyeenada kula hadlayey magaalada Istanbul.

Waxaanu intaasi ku daray in qorshihii qandaraaska Maraykanku uu Turkiga kaga iibinayey gantaalada difaaca ee Patriot-ka aanu ahayn mid u fiican sida ka Ruushka.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA