Kenya Airways Oo Joojisay Duulimaadyadii Ay Ku Tagi Jirtay Sudan

Nairobi, (HCTV) – Diyaarada Kenya Airways ayaa hakadD galisay duulimaadyadii ay ku tagi jirtay dalka Sudan, maadaama oo ay xaaladi ka jirto Madaarka caalamiga ah ee Khartuum oo ay ku sugan yihiin dibadbaxayaal ka soo horjeeda dawladda dalkaasi.

Sida lagu sheegay fariin Kenya Airways ay u adeegsatay dhinaca Twitter-ka, taas oo lagu sheegay inay hakadd galiyeen duuliymaadyada ay ku jiraan ama jadwalkoodu ahaa “Habeenimo – KQ 348 Nairobi-Khartoum iyo KQ 349 Khartoum-Nairobi.

“Waxaanu hubinaynaa xaalada, anaga oo ku talinayna in marka hawluhu ay caadi ku soo noqdaan in aanu sii wadi doono,”

Sidoo kale Bishii April ayaya ahayd markii Kenya Airways ay hakadd galisay duulimaadyadii ay ku tagi jirtay dalka Sudan kadib markii Madaarka Khartuum uu si kumeelgaadh ah ugu xidhnaa xaalada siyaasadeed ee dalkaasi ka oogan.

Wakhtigana, Madaxa xidhiidhka u qaabilsan Kenya Airways oo magaciisa la yidhaa Dennis Kashero ayaa u sheegay warbaahinta Business Daily, “Waxa ka dhacay dalka Sudan ayaa saamayn ku yeelanaya qorshahayagii.”

Balse maalmo yar ka dib ayaa dib loo bilaabay duulimaadyadii ay shirkadda Kenya Airways ay ku tagi jirtay dalka Sudan.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA