Hargeysa: Askari Toogtay Askari Kale

0
3

Hargeysa (HCTV) – Askari ka mid ahaa Ciidammada sida gaarka ah u tababbaran ee loo yaqaano RRU ayaa Askari kale ku dilay Magaalada Hargeysa.

Sida loo xaqiijiyey Telefiishanka HCTV, Askariga dhintay oo magaciisu ahaa Naasir Axmed Aadan (Naasir Wadaadyare) ayaa waxa toogtay Askari ka mid ahaa Ciidammada RRU-da, waxaanu falkan dilka ahi Arbacada Maanta ka dhacay Gudaha Xarunta Birmadka ee Magaalada Hargeysa.

Lama oga sababta keentay Dilka, Taliska Ciidammada Booliskuna weli kama hadal falkan.

Ciidammada Booliska ayaa Gacanta ku haya Askariga Dilka geystay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here