Maayarka Mexico City Oo Meesha Ka Saaray Direys Gaar U Noqonaya Hablaha Iyo Wiilasha

Mexico City, (HCTV) – Maayarka Magaalada Mexico City haweenayda la yidhaahdo Claudia Sheinbaum ayaa ku dhawaaqday in caruurta yaryar ee dugsiyada dawlada wax ka bartaa aanay sii qaadan doonin direys gaar ka dhigaya jinsiga labka ama dhadiga.

“Wiilashu way soo xidhan karaan toobka ama haafka, Gabdhuhuna haday doonaan way soo xidhan karaan Surwaal hadii ay doonayaan,” sidaasi waxa tidhi Maayar Claudia Sheinbaum.

Waxaanay intaasi ku dartay in waxa lagu xisaabtamayaa ay tahay uun shuruuda ah in la simo si cadaalad ah”.

Balse sharcigii hore ayaa odhanayayey “Haafka, ama Toobku loo tolo Hablaha waa mid lagama maarmaan u ah Habluhu inay dugsiga u soo xidhaan maalin kasta, halka surwaalkuna uu yahay Wiilasha”.

Maayar Claudia ayaa sheegtay “in sidaasi loo fikiro inay tahay Taariikh laga soo gudbay,” isbadalkanina uu saamayn doono sida ugu dhakhsaha badan.

Haweenaydan Maayarka ka ah Magaalada Mexico City ayaa laga soo doortay xisbiga bidixda-fog ee Morena party, waxaanay sidaasi ku dhawaaqay goor ay booqanaysay dugsi hoose oo ku yaala badhtamaha magaalada.

Talaabadan ayaa waxa soo dhaweeyey dadka u ololyeeya jinsiga isku dhafan, kuwaas oo sheegay in arintani ay caawin doonto caruurta hada isticmaala dirayska aan cadaynaynba,

Wasiirka Waxbarashada oo la yidhaa Esteban Moctezuma oo isagu ka dambeeyey talaabada Maayarku uu qaaday ayaa sheegay inuu hubo in dalal kale ay soo raaci doonaan.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA